Heesta Jacaylka wanaagsanaa - Lyrics
Jacaylku dun fiicanaa
Wadaage isdoonayaa
Markay isu daacad yihiin
Dantoodu hagaagsanaa
Ax dantoodu hagagsana
X2
Labada kalgacaylku dagay
Daymada isku garan ogaa
Dareenku uqayb sanaa
Durbaba isu dabacsanaa
X2
Dadbaa labo moodayee
Damiirku midaysanaa
Wuxuu midi doorbidaba
Dhigiisana deeqayee
Wanaagu udooranaa
Dooranaa wanaagu u
Dooranaa X2
Jacaylku dareensamaa
Xurmadu ku dalaysanaa
Markay isu duuban yihiin
Isdaysan oo ogaa ala
Ogaa isdaysan oo ogaa
Nafluhu x2
Indhahaa isu soo duwoo
Wadnahaa isu soo dab--
Ree isdaawan ogaa kolay
Lamaane jacayl dugsaday
X2
Dadbaa labo moodayee
Damiirku midaysanaa
Wuxuu midi doorbidaba
Dhigiisana deeqayee
Wanaagu udooranaa
Dooranaa wanaagu u
Dooranaa X2