VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lamaanahayga - Lyrics

laf korkaan ku yeesho laabtan ku qorayoo lamaanahaygoo adigaa libaga iyo lulumaha jacaylkiyo loolida dareenkiyo ku linkaxa naftaydii caashaqan i laasimay sida leexo ii lulay sida laydha ii maray sida leebka ii ganay goorma lurtiisiyo lahaantiisa iga biin laaskii jacaylkuu looftonku helayo iishaamahaygoo adiga lubiga iyo laxadka iyo damiirkiyo xiska kugu labeeyayo ku lifaysan maanke
Queue is empty
-- / --