anigu dhayal kuma raxleeyo
dadkana uma ihi rabaayada
runtaa ku dhaqaa naftayda
rabina taladaan udaayayaa

rajada kama ihi saboole
risiqa uu mawlahay isiiya
ruuxnaba kuma xidho dantayda
rayga laylama wadaago

sidaan rabo layma sheego
anaa kaligay waxa raafa
hadaad ruux dagan imooday
waxaan ahay raran qarsoone
rasaasbaa iga dhacaysa

geedaha ma ruxaan dabayshu
hadaan gunta soo ruqaynin
qofaan raadkayga gaadhin
dhaliilaha kama raseeyo

intaad xumo raadinayso
intaad reer kala didayso
rafiiq aad daadinayso
rooxaamuhu yay ku jiidhin

Exit mobile version