mar baan dadba kuu jeclaayoo
dareenkiyo xiisuhuna
adiga igu kaa dareenoo
anigu dunidaba dhamaan
adiga kaa daawan jiraye
marbaan doogiyo nimcada
ku wada daga lahayn
halkaan kula doonayiyo
sidii aan kula damacsanaa
ayaa kala door noqdoo
wuxuu jidhku diidayoo
damiirku wuxuu dhibsado
adaa ku walaaqay
oo walaaqay wareershay
ku walaaqay dookha
oo wuxuunbaa kula duuulayoo
oo daf kula yidhi hawada
oo tareenka adaa ka dagay

marbaan kuu dabacsanaayooo
dantaydiyo hawl kastaba
u daayacay aawadaayoo
anigu doc kastaba wanaag
adiga kugu soo dugsiyay
marbay dibnihiyoo afkuna
amaan kula daba galeenoo
adna dibin daabyadiyo
naftayda wixii u daran
ayaa igu dacal xidhtoo
wixii lagu kala diliyo
wixii lagu kala durkaba
adaa ku walaaqay
oo wallaaqay wareershay
ku walaaqaya dookha
oo wuxuunbaa kula duuulayoo
oo daf kula yidhi hawada
oo tareenka adaa ka dagay

Exit mobile version