VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Danta guud - Lyrics

Dirays qaate waxaan ahay Dalka horumarkiisiyo Dawladiisa jeceloo Danta guud u heegana Dumarkiyo caruurtiyo Da'yartiyo cirooluhu Kay ku diirsadeenee U dadaalayaan ahay Dambi ka hortag baan ahay Marna dabagal baan ahay Hadba meeshii loo diro Nin diyaara baan ahay Boolis daacadaan ahay Nin dastuurka qaranimo Daacad iugu adeegoo Diin ku dhaarsan baan ahay Difaacii dalkaan ahay Nin digtoon baan ahay Nin is dirayabaan ahay Dulmi inaan ka dhiidhiyo Dadnimada i faraysee Dambi ka hortag baan ahay Marna dabagal baan ahay Hadba meeshii loo diro Nin diyaara baan ahay Boolis daacadaan ahay
Queue is empty
-- / --