Heesta Degmo - Lyrics
Degmooy dumarkaba dhamaan
Midii aan doortayee
Naftaydu ku doogsatiyo
Dabiib boogaha dhayaay
Digtoor RABI ii diraay
Dareen laabtiyo kashaba
Midii dajisee dhaydaay
Degmooy cidaan kula simaa
Miyay dunidaba jirtaayee
Haween doorkoodiyeey
Markaan ku helaan dagoo
Hankayga doojisee
ILAAH danbigaaga dhaaf
Duntii soomaalidaay
Xariir diin lagu dhaloo
Ducada waalidkeed qabtoo
MAWLUHU iigu deeqaay
Dadaalkaad ila gashiyo
Dulqaadkaan kugu jecloo
Markaan kula soo darsay
Duriyadii aan jantaay
Naftaydani doogsataa