VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhambaal - Lyrics

Miyaad dhafartaa sidayda Miyay kala dheerideenu Dhibiyo kugu tahay dhibaato Miyuu dhamac iyo jacaylku Adiga kugu shiday dhinbiilo Qof kaa dheer naawilaada Rajada intaad ku dhawrto Dhanbaalo miyaad u duubtay Miyay dhugashada xasuuso Naftaadu intay dhex qaaday Riyada dhalanteed hagaayo Maruun tidhi yaa dhabeeya Qalbiga tabayaa dhigiisu Intui fikir dheer abuuray Niyada boholyow dharaaro Dhabanka gacantaada saartay Miyuu caashaqa dhibkiisa Dhul kale ruux jira warkiisa Misana ku dhayaysay boog Kal iyo laab soo dhawaysay
Queue is empty
-- / --