sida dhoolka guga qooqan
igu dhibcaa
igu kaa dhanjeego
kumaan dhibeen
ana dhowr xagaa
gama maan habeen
dhaxa dhabno hays
astaan kama dhigteen
marley dhaami iyo
rajo aan dhamaan
kumaan dhiiraden
ee waan dhowrsan lahaa

adna dhagax bir iyo
ma tihid dhadhaar
bal mar dhiidhiyoo
dhaxaanta iga hooy

hadaan dookha dhibi
iyo shidi dhinbiil
dartii waana iyo ma dhaafe
iyo wax sheeg
mana aan dhaheen
gacalnimo dhantaal

dhaxa dhugashiyo
salan kuma dhargeen
saqda dhexee hurdada
dagdag lama kacee
cilaan kama dhigteen
muuqaagen ka weyn

adna dhagax bir iyo
ma tihid dhadhaar
bal mar dhiidhiyoo
dhaxaanta iga hooy

Exit mobile version