VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhulka hooyo - Lyrics

Dalka hooyo haybadiisa kaalay daawo Oo ku doogso qurixdiisa daawashada Oo dadkaygow ha ku daalin dibad joogee Dalka hooyo haybadiisa kaalay daawo Beero daadsan dooxadeeda Bal hargaysa sii dul joogso Waa dahabe bal dakeeyo Bal deeqda Daa'im siiyay Huluuq daawo arabsiyo Darka xidhan bustaan doora Door gabilay deeq wajaale Banka dooga kaalay daawo Heey heey hoobeey hoobey hoobeey Ha ka daalin dalxiiskaaga Daasho daasho waa dalkaage Saylac dooxo awdal daawo Oo ku doogso bada daadsan Dib u laabo dalxiiskaaga damaashaadka Adoo daalac nafta doojay Daawanaaya dul ka eega Dawga liinta almis dooro Dusha gacan dawga sheekha Adoo deexday golis dookha Silsiladan dahabka burco sii dag beerna daawo Dalxiiska batalaale ku dabaalo Inta aanad xaga daw u dabqaadin Taariikhda duugan laas geel dacal taal Isha daarsoo awga dugso Dalka dooga saaran daawo Dagaariyo dayixiyo dusha maydh iyo xiis Halkay doorka shinbiruhu Dalxiiskooga ay ku deehdaan Ramashka usoo dareenoo Waa dalkaagee daalo kaalay Soonla daawo waa dalkaage
Queue is empty
-- / --