Kugu sooray maankayga
Kuna seexshay laabtayda
Sadrigiyo halkaa beerka
Ku sawiray jacaylkeena

Saadaasha guurkeena
Kalgacaylka seeskiisa
Xubiga samaysmaaya
Ku sifeeyay kulankeena

Waa maalin sooryaysan
Boqranoo la sii sheegay
Subaxaa arooskeenu
Waa sabaaxal khayraade

Kaa dhawray seegseega
Sahwigiyo is maan dhaafka
Sida boqorka kuu dhawray
Kuna sudhay xiskiyo maanka

Sifahiyo jacaylkeena
Ubaxeena sahankiisa
Sida aan u beerayno
Ku sifeeyay kulankeena

Exit mobile version