Heesta Sagal - Lyrics
sagaleey hubqaadkiyo suuradaada wacanbaa
markaan saaro dhaayaha dumar kaa suntadayo
naftaydaan ku siiyee
sadrigiyo beerkiyo adaa laabta saaqoo
sasid iyo hilowbaan saqda dhexe la toosaa
laba calafku saaciday isaseegi maysee
jacaylkeena sagaleey ku barbaari samohoo
waligaa ha siidayn
samirkiyo kalsoonidu waa sahanka caashaqa
kugu simay liskiisiyo nasiibkaad sugaysoo
ka sal guuri maynee
sida sabi dhalaanaan u sidaa jacaylkoo
saacad waliba adigaan kuu sacaba tumayaa