Sidii saban kalgacal ku yaal
U sal guuro caashaqu
Anigana sabaad dheer
Sadriguu ku xidhan yahay

Subaxdaynu kulanoo
Sahansaday naftaydee
Sodolaata hadalkiyo
Socodkeed talaabada
Samiiraay i deeqdee

Seermawayda curatiyo
Sadalkeed daruurtaad
Sanigaad wax dheertee
Salka dhigay jacaylkuye
Sinta kaalay
Sinta kaalay igu qabo
Sinta kaalay
Sinta kaalay igu qabo

Lama sooro aadmiga
Sasantaada quruxdoo
Waa soohil ilaahay
Ruuxuu doono siiyee

Samayskaaga wacaniyo
Markaad iga socotiyo
Sibiqaadka laafyaha
Samiiraay naftaydani
Ama sobob u noqotaa

Seermawayda curatiyo
Sadalkeed daruurtaad
Sanigaad wax dheertee
Salka dhigay jacaylkuye
Sinta kaalay
Sinta kaalay igu qabo
Sinta kaalay
Sinta kaalay igu qabo

Exit mobile version