VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Nabad iyo jacayl Lyrics

Caashaqu haduu nuur iyo
Nasri il dheer u leeyahay
Adigaan ku naawilay
Waan kugu nayaayiraa

Caashaqu haduu nuur iyo
Nasri il dheer u leeyahay
Adigaan ku naawilay
Waan kugu nayaayiraa

Nalkii aduunkiyo
Noloshii ifkoo
Naftaa kaliga ku jecel
Macaan miyaad i dareen

Nalkii aduunkiyo
Noloshii ifkoo
Naftaa kaliga ku jecel
Macaan naxariis tahee

Nabad iyo jacaylkana
Nitaaqada ka dhawr
Naruuro waad heliyee
Niyad sami ku noolow

Nabad iyo jacaylkana
Nitaaqada ka dhawr
Naruuro waad heliyee
Niyad sami ku noolow

Wanaaga naftaada bar
Niyadana kheyr u sheeg
Nasriga eebaa hayee
Xiisuhuu ku nagaa is fahan

Wanaaga naftaada bar
Niyadana kheyr u sheeg
Nasriga eebaa hayee
Xiisuhuu ku nagaa is fahan

Nimcadii aduunkiyo
Nasab kaamilaa tahay
Haygu noqon mid ruux xabii
Naxli naxli igu beer

Nimcadii aduunkiyo
Nasab kaamilaa tahay
Haygu noqon mid ruux xabii
Naxli igu beer

Nabad iyo jacaylkana
Nitaaqada ka dhawr
Naruuro waad heliyee
Niyad sami ku noolow

Nabad iyo jacaylkana
Nitaaqada ka dhawr
Naruuro waad heliyee
Niyad sami ku noolow


Lyrics by: ismael
loading..
-- / --