Ubaxii aan beertayoo
Kalgacayl ku baxnaaniyaa
Intuu midho soo baxshuu
Geyaanku u beratamaa

Ma inaan isku beego baa?
Bulshada uga dhaarto baa?
Mayee biligayga iyo
Burhaantaydaan ku deyi

Boqorkoo isku keen simaa
Barkhad iyo waa farxade
Haddaad baal iga martona
Bartaadaad ku raysatiyo
Badhaadhaan kuu ducayn

Sed weeye bariido wacan
Inaad boholyow dartay
Gacaloy ii baaqday baan
Beerkaa ka ogsoon ahee

Rabbaa ballan oofiyoo
Waxuu rabo baajin kara
Haddaanu calaf noo bidhbidhin
Bir miyaynu ku goyn karnaa?

Boqorkoo isku keen simaa
Barkhad iyo waa farxade
Haddaad baal iga martona
Bartaadaad ku raysatiyo
Badhaadhaan kuu ducayn

Exit mobile version