VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhagaxa luulka - Lyrics

Sidii dheemankiyo dhagaxa luulka Dahabka dhiinkiyo khayraadka dhulkaa Quraysh dhaladiyo dhamays ugubeey Dhidibka noloshiyo dhigaha farxadaay Qurux dhawrsanoo hidaha dhaxashaay Midaan dhugashada ku dhaygagaay Dhabada wankiyo Dhinaca beerkaay bartaa dhimirkiyo Dheefshiidka jidhkaay Dhisaay adigaa qalbiga dhayayoo Dhabtii adigaa i dhiiri gashoo Ku dhaartay adaa libtayda dhashe Miyaan dhalanteed ku dhaafsan karaa Sidii dhoolkiyo dhibica roobka Xareed dharqatiyo dhirtoo dooglaa Dhalaal ubaxloo dhaayaha buuxshaay Ilwaad dhabanliyo dhabeel edeblaay Dhashii nasabkiyo dhuuxii sharaftaay Midaan dhaqdayeen dhigeed ka xushaay Midaan doortee u dhiig baxayaay Laftaa dhabarkiyo dhuumaha wadnahaay
Queue is empty
-- / --