Kalgacayl marbuu kadis kugu helaa
Kolna waa dareen kugu soo kacoo
Waa kugu horeen amba kugu danbeey

Hadaan lagula korin Kulahayn ruux
Kalinimo cidlada Wuu kugu dilaaa

Aniga kordaha Kaarkii cishqugu
Wuu kordhoo igu soo kacyoo
Igu laba kacleey

Kaama saamrinee Kugu soo noqdee
Xabiibi yaa xabiibi
Waan kugu gafee kun jeer raali noqo

Qalbiguu qalbi igu kalsoon
oon ulakac iyo kas udaayacaan
kol labaad is iri kasba’oo
heloo Fursad kale isiiy

Kolba ruux hayuu kugu qabaayee
Kurbada maraan la kacaa kufaa

Kalmado iyo oraah kuma koobi karo
Sidaa kuu taboo kalgacayl dhabay
nafta kuu qabtaa

Kaama saamrinee Kugu soo noqdee
Xabiibi yaa xabiibi
Waan kugu gafee kun jeer raali noqo

Exit mobile version