Lammaana jacaylka sooray
sariigtuu soo dhaweeyay
barbaar sadrigooda caashaqa
sabeeyaa Reer sameeystay 2x

Adaa adaa saafiyeey
haweenkaba taakiyo
suxul sare ku dhaafay
suraca quruxdaada suuban
suleekhaad kala sinnaatay 2x

Saatir ubad ha idin siiyo
Reerkaasi haddeer la aseesay
Ha noqdo kii lagu sifeeyo
Sammaaniyo khayr aan suulin
samaaniyo khayr aan suulin 2x

Lammaana jacaylka sooray
sariigtuu soo dhaweeyay
barbaar sadrigooda caashaqa
sabeeyaa Reer sameeystay 2x

Adaa adaa saafiyeey haweenkaba
taakiyo suxul sare ku dhaafay
suraca quruxdaada suuban
suleekhaad kala sinnaatay 2x
Saatir ubad ha idin siiyo
Reerkaasi haddeer la aseesay
Ha noqdo kii lagu sifeeyo
Sammaaniyo khayr aan suulin
samaaniyo khayr aan suulin 3x

Exit mobile version