Heesta Arkimaysid - Lyrics
arki maysid ilmadaan
qubi jiray iyo oohintaydiiye
arki maysid kalsoonidii
anbatiyo aaminkaygiiye
arki maysid amaantaydii
hore iyo ololahaygee
arki maysid intaan
odhan jiray iyo eraydaydiiye
arki maysid ogaalkaad
lumisay iyo ilaalintaydee
mana arkaysid oo arkaysid
mana arkaysid oo arkaysid
xiskii oofin jiray amaradaadiiye
intaad waday aadmigaa haystee
ku ilaawee iyo
awoodaha jacayl inaan
ahay agaaasinkoodii
marqaati adigaa iigu filan
waanad waanad waad ogsoontay
arki maysid iftiinkii
jacaylkiyo ilayskaygiiye
arki maysid ubaxaan
sidi jiriyo udugyadiiseeye
arki maysid maankii
alwan jiray ilintirkaygiiye
arki maysid indhihii
kugu farxiyo eegmadaydiiye
arki maysid rajadii
awdantiyo abshirtaydiiye
mana arkaysid heedhe arkayside
oo arkaysid waar arkaysid ayaamihii
galbadiyo udub dhigaygiiye
intaad waday aadmigaa haystee
ku ilaawee iyo
awoodaha jacayl inaan
ahay agaaasinkoodii
marqaati adigaa iigu filan
waanad waanad waad ogsoontay