Anigiyo naftaa wada shawrnay
Dadaal iyo waxuu noqdaan ku heshiinay
Wadadii nolosha sax u qaadnay
Naqa caafimaad baa ii hilaacay

Nasiib wacan baa ii baaqay
Nalkii guushana ii daaray
Naxli meel baan iska saaray
Dhegahana nacab ka furaystay

Neecaw i martaan ku qaboobay
Niyada deganaan ka dareemay
Jawi ii noqday baan ku xayaaday
Nimcad iyo farax baan la midoobay

Caalamakaa ii shidan just now
Shaxshax baan ku jiraa right now
Ramuutkaan u hayaa
Anuu xabadkaan ka socdaa
Oo nolosha ii macaan right now

Oo noloshaa kuu macaan right now

Exit mobile version