VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ila joog - Lyrics

Jamaalkii quruxdaada Dareenka u jibooday Indhihii ku jaleecay Yeeli waayay ka jeedso Amba dookh i jujuubay In wadnuhu kula jaaro Xubno uu u jideeyay Kalgacal la jareeyay Qalbiguu jug u gaystay Jumlad xiiso ku beermay U ahaw jal dabiiba Jawaabtii eraygaagu Jahwareer iga maydh Oo adaa jano ii ah Naftuu way ku jeclaatay Waanad jiidanaysaaye Farxad saan ula jaarno Ila joog il joog ila joog Waligaaba ila joog
Queue is empty
-- / --