Heesta Inaan ku ag joogo - Lyrics
ayaantii qudhee alle keeno
ababshay aragaaga uxiisay
jeclastay inaan ku ag joogo
ladi waayay inataad iga dheertay
cidlooday dartaa u ilmeeyay
si kastoo is idhaa u adkayso
ku cugtoo adkaan kari waayay
ku astaystay quluubta kusiiyay
i daryeeshay i deeqday ku doortay
ii ahaatay naftayda nafteedii
taan darteedba aduunka ujoogo
wehelkayga aduunka ahaatay
ka dareemay naruuro agtaada
istareexay nastoo noloshayda
u ahaatay intii ka dhimnaydba
ku ishaartay anaa ku ishaartay
kugu doortay intaan dumar dheertay
kolna maanku aduu kaa ahaane
ka ogow niyadayda wax yeelo
ku ishaartay anaa ku ishaartay
kuu hibeeyay naftayda adaa leh
kolna maanku adaan ka ahaane
ka ogow niyadayda wax yeelo