jacaylkaagan dhiirani
anuu igu dhamaaday
waanigan la dheeliyay

adna show dhibkaygii
waad ka dhoohantoo
dhug u yeelan waydee

anba kuguma dhaafeen
adoo dhaawac waynqaba
dhibic kaama reebteen
intaan dhiiga kuu shubo
ila dhidib ila dhawr ila dhadib kalgacaylka

dheeldheel ha moodine
wadne kuu dhanbalanbuu
dhawaaqani kasoo baxay

dhuux erayadaydoo
bal dhadhami jacaylkiyo
dhanbaalkiyo heesaha

Exit mobile version