VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylka anaa xambaara - Lyrics

Jacaylka anaa xanbaarta Xanjeerta anaa u giija Anaa xididkiisa beera Anaa xurmadiisa haysta Xaqiisa anaa u hiisha Xumaanta anaa u diida Xanaano anaa u yeela Anaa xaqiraad ka dhawra Qofkii xujadiisa doona Wanaaga anaa ku xeera Cishqiga anaa xoreeya Xayndaab anigaa u gooya Jacaylka anaa xargeeya Xoorkiisa anaa maala Nacaybka anaa ka xaadha Xasuuso anaa haneeya Anaa xasadkiisa reeba Anaa xeeryaha u yagleela Xilkiisa anaa ku heela Anaa xeer beegti guuda
Queue is empty
-- / --