Heesta Miyaan caashaqa - Lyrics
indhaha nuurku iftiin u yahoo
asluub wiilashu astaan u yahoo
dhaliil iyo iil umu dhalanoo
afkuna isagu amaan u tirsha
dooqi asal raacayba baroo
naftii ogolaataybu anfaco
aayaha noloshuu ehel u yahoo
ag joogiisan anigu ku farxaa
dareenka astaystay anigana
jacayl u ilma qalbiga ku unkee
miyaan idilkood ragaba ag dhiga
miyaan abidkay ka aamin baxaa
miyaan caashaqa ilduufi kara
itaalka jirkuu awood u yahoo
odoobay kashoo ogaal nu yahoo
wax la aarado illah ma ba'shee
ilays baxayoo iftiima weeyan
jacaylku abuuray baa kamo
abaalku galaybaa aala arke
nabiga arkada aduun ka xushee
inaan eegtan istareex u arkaa