qoortaada dheeriyo
qotonkiyo cabaadhyaha
qalbigayga saaqdo
qandho aan ka qaado
qandho aan ka qaado

aniguba qiyaas li
waan qariyaa jaclkoo
wadnaha dhiiga qubaya
kaalay laabta igu qabo
laabta laabta igu qabo

qoskaad ka dhalataa
quraan kugu barbaarshoo
waad qiimo badantee
qudha maysu dhiibnaa

intaa qiso jacal
bugagta lagu qoroy
keena uqoro wayn
dadkuna wada qiray

qarkeen ma gaadhnaa baby
qurumaha ma dhaafna baby
qoskeena ma dhisanaa baby
qaraabada ma badinaa baby
qaraabada ma badinaa baby

Exit mobile version