guusha waa loo tabcaa
samirbaa lagu tiigsadaa
tilmaambaa lagu socdaa
tashigu waa lama huraan

qorshahaad ku taamayso
aadmiga ficil lagu tusaa
taariikhdu qofbay xusataa
tusaalaa laga dhigtaa

anaa caashaqygan tolmoon
taashkiyo calankiisan bilan
tiirkii hayaybaan ehee
taano waa in laydhisaa
duniduba igu wada taqaano

halganbaa lagu tamariyaa
talaabaa dadku qaadayaa
tartanbaa lagu wada jiraa
nin seexday hugaa utaal

hankaa qabyo laga tiraa
qalbigaa laga noqodaa
wax tagay waa laga hadhaa
wixii taganbaa haniya

anaa caashaqygan tolmoon
taashkiyo calankiisan bilan
tiirkii hayaybaan ehee
taano waa in laydhisaa
duniduba igu wada taqaano

Exit mobile version