wiilal geesinimo
wiilal gobanimo
wilal guurtida
guule ku lariyo
wiilal garashada
garaad ku darsaday

wiilal garta naqa
wiilal xaqa garta
wiilal xil guto
gayaan jecel
gaarida hooyiyo
u arxama gabdhaha

geyiga soomalibay
u yihiin gaare
ma anaa giniyo
siistay guunyo
ma anaa gees dhigay
gaaliyo nin neceb

wiilal gohadiyo
wiilal godabiyo
wiilal gunimada
gefka aan baran
wiilal gocashada
ka deeda aan aqoon

wiilal hiil gala wiilal
wiilal abaal gala wiilal
xurmo gayoo
gacanta u roon
xigtada guudiyo
xididku u galado

geyiga soomalibay
u yihiin gaare
ma anaa giniyo
siistay guunyo
ma anaa gees dhigay
gaaliyo nin neceb

Exit mobile version