VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Ayeeyo Lyrics

ayeeyo asxxaanka
alaa ugu deeqay
waxaa aflaxay
aduunkan maanta
dhalaan abidkiisa
ayeeyo ujoogto
adaaba ayeeyo
noo daaray ilayskaa
aqoona nasiiyey
awlaad koriskaaga
amaan iyo waano
ayeeyo agtaada
allaa ku manaystay
abaal gudistiisa
hadaan u istaago
aduunka ma yaalo
waxaan ku asteeyo
ayeeyo xaqaaga
allaa barya tuugay
inaad istareexdo
aakhira janadiisa
albaabka fardowsa
ilaah kugu sooro

ayeeyo ilwaadka
abaabulka geesi
haf iyo dhaqankeena
abwaan hal abuura
suugaanta abaara
adaa ku amaanan
iftiinka ayeeyo
agtaa kama guuro
awlaadad rabaysay
ma waydo ilayska
ildoogsi iyo raaxo
astaanta jaceylka
inuu amba qaado
abaal gudistiisa
hadaan u istaago
aduunka ma yaalo
waxaan ku asteeyo
ayeeyo xaqaaga
allaa barya tuugay
inaad istareexdo
aakhira janadiisa
albaabka fardowsa
ilaah kugu sooro
abaal gudistiisa
hadaan u istaago
aduunka ma yaalo
waxaan ku asteeyo
ayeeyo xaqaaga
allaa barya tuugay
inaad istareexdo
aakhira janadiisa
albaabka fardowsa
ilaah kugu sooro


Lyrics by: anwar
loading..
-- / --