Heesta Caadi maaha - Lyrics
Cadrad gaariya geenyo ciil tira
Caynadeedaan la cajabayoo
Car la mida iyo ruux la ciidana
Ciida kuma arag
Muuqa curubta ah codka malabka
Dhexda cuganee taakada iscelin
Qoorta canabkee cabaadhyahaliyo
Carfiga udaga ah
Way cudoontoo caadi maaha
Camalsan leedoo caadi maaha
Caqli badantoo caadi maaha
Waa cuyuuniyoo caadi maaha
Jalaqsan weeyoo caadi maaha
Ciirsi ruux tara gaari cugasho leh
Mid cisayn badan oon lagaa caban
Ceebla inaad tahay anaa curadyahay
Caawa kuu qiray
Calool xuma iyo cadho kuma korin
Culays waayuhu kuma soo celin
Caamo garashadu cisho kamaad noqon
Waa qof caadiya