VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Carfoon - Lyrics

Carfoon anigoo ku raba Anigoo ku caleemo saartay Jacaylkana kugu Casuumay Jacaylkana ku casuumay 2x Haddaad inan yahay cidlaysay Naftaad caashaqa ku beertay Anigu kuu cayeegsan maayee Anigu kuu cayeegsan maayee 2x Calaf waa kii qornaayee Cuddoon baan goob yayaayoo Carrab shay hankayga dookha Carrab shay hankayga dookha 2x Cuqdad kuu qaadi maayo Caloosha intaan ka guuxo Colaad kuu muujin maayooo Colaad kuu muujin maayo 2x Qudhayda intaan cizaaro Jacaylka la ciibri maayo Dartaa ma calaacalaayee Dartaa ma calaacalaayee 2x Calaf waa kii qornaayee Cuddoon baan goob yayaayoo Carabshay hankayga dookha Carabshay hankayga dookha 2x
Queue is empty
-- / --