Carfoon anigoo ku raba
Anigoo ku caleemo saartay
Jacaylkana kugu
Casuumay
Jacaylkana ku casuumay 2x

Haddaad inan yahay cidlaysay
Naftaad caashaqa ku beertay
Anigu kuu cayeegsan maayee
Anigu kuu cayeegsan maayee 2x

Calaf waa kii qornaayee
Cuddoon baan goob yayaayoo
Carrab shay hankayga dookha
Carrab shay hankayga dookha 2x

Cuqdad kuu qaadi maayo
Caloosha intaan ka guuxo
Colaad kuu muujin maayooo
Colaad kuu muujin maayo 2x

Qudhayda intaan cizaaro
Jacaylka la ciibri maayo
Dartaa ma calaacalaayee
Dartaa ma calaacalaayee 2x

Calaf waa kii qornaayee
Cuddoon baan goob yayaayoo
Carabshay hankayga dookha
Carabshay hankayga dookha 2x

Exit mobile version