VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cimraan - Lyrics

Inaad qiimo badan tahay Qayrkaa umudan tahay Cimraan qurux inaa tahay Nin qiraaya baan ahay 2x Sina kuu qadariyoo Qooys inaan yagleelnoo Reer wada qorsheeynaa Cimraan qalbigayga galiyee 2x Ila qaybso nolashoo Qaabkiisan caashaqa Qalad aan ka dhoowrnoo Ila qabo ila qabo wanaaggaaa 2x inaad qurux u ehel tahay Qarnigana usidatoo Qureeshtii hablaha tahay Qofna diidi maayee 2x Balse waxaad u qalantaa Midka kuu qarwaayoo Xushmad qoorta kuu suray Cimraan sida aniga oo qura 2x Ila qaybso nolashoo Qaabkiisan caashaqa Qalad aan ka dhawrnee Ila qabo wanaaggaa 2x Ila qaybso nolashoo Qaabkiisan caashaqa Qalad aan ka dhawrnee Ila qabo wanaaggaa Ila qabo jacaylkaa
Queue is empty
-- / --