Inaad qiimo badan tahay
Qayrkaa umudan tahay
Cimraan qurux inaa tahay
Nin qiraaya baan ahay 2x

Sina kuu qadariyoo
Qooys inaan yagleelnoo
Reer wada qorsheeynaa
Cimraan qalbigayga galiyee 2x

Ila qaybso nolashoo
Qaabkiisan caashaqa
Qalad aan ka dhoowrnoo
Ila qabo ila qabo wanaaggaaa 2x

inaad qurux u ehel tahay
Qarnigana usidatoo
Qureeshtii hablaha tahay
Qofna diidi maayee 2x

Balse waxaad u qalantaa
Midka kuu qarwaayoo
Xushmad qoorta kuu suray
Cimraan sida aniga oo qura 2x

Ila qaybso nolashoo
Qaabkiisan caashaqa
Qalad aan ka dhawrnee
Ila qabo wanaaggaa 2x

Ila qaybso nolashoo
Qaabkiisan caashaqa
Qalad aan ka dhawrnee
Ila qabo wanaaggaa
Ila qabo jacaylkaa

Exit mobile version