miyaan ku dulmay
miyaan ku dayrshay
adoo i deeqay miyaan ku diiday

maxaa ku daaroo
durbaba la oyday
dadab galkeenii
dantii ku seegshay

daacad hankaygan
hadaad dareemin
dabuub barkayguna
ku deeqi waayay
bal dantaada ii sheeg
haba ii darnaatee
bal dantaada u sheeg
haba u darnaatee u sheeg

hadaad dudayso
anoo dulqaata
hadaad didayso
maxaan ku daali

jacayl jabkiisu
kolkuu ku gaadhoo
yaa kaa dawayni
oo kaa dabiibi

anoon ku damqin
anoon ku dirqin
anoon daleelada
cidlo ku daynin
adaa is duleeyoo
wanaagii diidii
dacarta muusoo
dantaada eerso

ku daaye daaye
ku dayrshay maanta
dareen ka guurtee
ha igu daalin

ruux ku doortoo
runtaadu deeqin
samirka diidsan
maxaa u daawa

Exit mobile version