VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garaangartii wareegta - Lyrics

Giraangirtii wareegto Godbay ku dhacdaa afwayne Intaad gabadh tahay asluuble Gobaad dhaqanloo xishoota Guriga hooyadaa ha dhaafin Intaad gu' yar tahay hadeerto Garaadka hadaadan toosin Guumays adoo ahba tiraa Rag kuuma garaabi doono Wanaag ha giriifin maalin Xalaasha ha guubin fiican Xaaraanta ha goobin joogso Gayaanka hagoo mid raadso Intaad golayaasha jaaska Giblay ka cayaarto fiidka Markuu nin ku goosto beerka Adoo ganac buuran waayo Hadhaw ha gunuusin ciilka Intaan halaq iyo mas gooda Candhuuf kula gaadhin haatan Goguu cadawgaagu joogo Gacal ha u raadsan saacad
Queue is empty
-- / --