VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta God gali - Lyrics

Diin god gal god goray gal Goray god galyo god diin dal God gadaan ahayee Inta aan gabadhyahay Kuu gooni ahaa Ama aan gacalooy Garabkaaga ahaa Gayaankii aan lahaa Way is guursanayaan Guribay dhisayaan Ani maxaan galayee Ninka geela jiraa Heedhe wuu u gabyaa Gacalooy aniguna Waan gaboobay dartaa Inta aanan gu'in Een gunaanad seegin Waad i gaagixisee Maad gargaartid walaal Gacantaada maruun Hadaan gaadhi lahaa Farxadbaan gam'i laa Guul ayaan tirsan laa Jacayl gaamuraybaan Midhihii guran lahaa Ragbaan gaadhi lahaa Guurtibaan shirin lahaa Gudcurbaan gudayaa Guux ayaan maqlayaa Wadne kuu go'ayaan Gargaarkiisa rabaa Qalbi goof ku jiraan Go'aan kaaga rabaa Waan is guursan lahayn Guribaan dhisi lahayn
Queue is empty
-- / --