Heesta Khadra - Lyrics
gashaanti edeb le
halyey garab taagan
caashaqa ku gardaadshay
ayaa hantay guusha
gobaa is aroostay hobeeya hobeeya
golaa la fadhiistay hobeeya hobeeya
gacalku yimaaday
gabaatina dhiibay
khadrana lagu guursay
halkii gobtu joogtay
galmudug xaruunteeda (gobolka mudug weeye )
ALLOW gurigooda
ka yeel guri khayr le
guduud midabkeeda
gayaan dhaqan fiican
ILAAHAY galadiisa
khadraa u leh gaaree
jacaylka is gaadhay hobeeya hobeeya
arooska iyo gaafka hobeeya hobeeya
gurbaankiyo heeska
giblay la ciyaaray