Heesta Ku dalxiis haboonaa - Lyrics
dayax soo iftiimayoo
dadku wada daraan daray
ishu doogsanayaad
dawooy tahay la dawadaad tahay
nimcooy la daawadaad tahay
jawhar daafaheediyo
barta lagu damaashaado
beerihii dugsoonaa
shinbiruhu dawaafaan
ku dalxiis haboonaa
muqdisho dacaladeediyo
daarihii wacnaa dagmadii jacaylkeena
nabad lagu dakeeyo
nimcooy ku dalxiis haboona
muqdisho dacaladeediyo
daarihii wacnaa dagmadii jacaylkeena
nabad lagu dakeeyo
nasiiboow ku dalxiis haboona
nasiib ku dalxiis macaanaa
ubax soo baxaad tahay
dadku wada sugayeen
dhalaalkiisu doogyahay
nasiib dahab nuurayaad tahaye
daafaha afgooyiyo
wabiyada durdurayaan
doogu raysku qariyoo
xooluhu dul joogaan
ku dulxiis macaanaa