jacaylka dartiis
miyaad dib kirtaa
dareenku miyuu
qudhaada dabraa

miyaad damacdaa
nafaan ku daneeyn
nin daallan miyaad
durbaan u tumtaa

rag doollar wataa
(rag digaag qalaa)
hablaha bahdilee
miyaad daydaydaa
dayuus baradoo
miyaa dahabeey
hankaaga dishaaa

duruufta miyeey
adiga ku dirtaa
ninaan damqaneeyn
diirnxeeyn
la daadihisaaa

jacaylka daahsoon
miyuu ku dagaa
dhaqanka duuggaa
adiga dumisaaa

rag doollar wataaa
(rag doora qalaaa)
hablaha bahdilee
miyaad daydaydaaa
dayuus baradoo
miyaad dahabeey
hankaaga dishaaa

Exit mobile version