Wabi caashaqoo
Wehel aan lahayn
Wax ogaal la’aan
Sida waali qaba
Dhax wataaqayee

Taan isla wadnoo
Waayahaanba dumar
Ka wakiishay baa
Inaan wada jrinoo
Wada joognay ba
Waalidkayda ma ogala

Wacanay hadaba
War ma wadi karnee
keen wadiiqada
Jacaylkayna wacan
aan Kuwadi lahayn
Amranay walaal
Aan ku wadai lahayn

Hadda waa rabaa
Inaan weheshadoo
Ma awoodi karoo
Dadoo waanidiin
Igu wehliyaa

Labbo walaal is jecel
In loo kala waramo
Ma wax soo jiraa
Mise waayahaan
xaasikaa wadoo
Iyo waxii lamid ah

Wacanay hadaba
War ma wadi karnee
keen wadiiqada
Jacaylkayna wacan
aan Kuwadi lahayn
Amranay walaal
Aan ku wadai lahayn

Exit mobile version