xidigtaa shidan
xuubka quruxda
loo xawilayoo
dhaban xaadlihiyo
xubno jalaqsani
waa xageego
xaakimka qoray

taas waxaa xiga
way xishoota
xayo kama tegin
way xuntahayo
xaasil lama oran
waa xul dumariyo
gari xanaf biin

oo xariir gobiyo
xamda weeyan
oo xalaal dhagii
xamda weeyan
xuurancayntuba
xamda weeyan
oo xurweyna
xamda weeyan

geenayda xulan
ruux la xeelada
oo la xeer gala
xaawaley dhami
xubno kama helin
indho kuma xadin
haatan mahadnaqa

taas waxaa xiga
xanto may baran
waa xadaariyad
waa xiligiyo
xiisad kiciyiyo
way xadgudubtaa
xaasho lama odhan

oo xariir gobiyo
xamda weeyan
oo xalaal dhagii
xamda weeyan
xuurancayntuba
xamda weeyan
oo xurweyna
xamda weeyan

Exit mobile version