Barbaarka yarkaan ka eegtay
yarkii isha iigu baaqay
wiilkii caashaqan aan beernee
aniga boob baan ku raacay

aniga oo balad xaawo joogo
maxuu bari iiga yeeray
kolkaan boosaaso gaaray
muxuu burco iiga heesay

anoo beer sii maraayo
haduu badda doon ka raacay
inuu been ila jilaayee
adaa boqorow ogaaye
i bixiyoo iga badbaadi

hadaan bogsadoon ka reysto
sidaa uga booday caashaq
jaceylba hadaan u booyo
hadaan nin dambaba u baroorto
hadaan baxsanow iraahdo
aniga balaayaba ha iga raacdo

Exit mobile version