VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Damqasho Hooyo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nasteexo indho
Damqasho Hooyo

damqashada ogoow ruux
dadka kuu xiga jira
dusha aan laga garan
inuu yahay mid kuu daran
dulucdiyo ujeedada
damiirkii waalidnimo
diintu ina faraysee
lagu kala dambayn jiray
adaa dumiyay dhaqanki
farxadiyo damaashad
ilmahaaga oo daayacan
dunidani dusheedaa
sideed ugu dul nooshoo
dadka ula cawaysaa

daryeelkiyo xanaanada
dulqaadkiyo wax garashada
daacadnimo waxaan ahay
hooyo loogu dawgalay
dugsi lagu hirtaan ahay
dambi laga xijaaboo
dulmi lagu dhaqaan ahay
loo diiday hanashada
danta loogu sahan tago
haku digan lamaanaha
dareen ruuxa kuu xiga
dookh kula wadaagoo
darin kugula seexdoo
kuu diiday lahashada

dabci lama sinaadee
dareenkii walaalnimo
duulqaadkii lahaa
adaa diiday wacadki
haduu damacu yahay halis
kuu diray lugooyada
dib miyaad la kulantaa
darajo aad lahaydiyo
xusuus aan laguu diran
farxadiyo damaashaad
ilmaahaga oo daayacan
dunidan dusheedooo
sideed ugu dul nooshahay
dadka ula cawaysa a

marwa deeqsiyaan ahay
damiirkiyo afgarashada
haduu nabarku doogsado
daawadisa heli kara
dun xariira baan ahay
deeqsiisay caashaqa
doc kastay ahaataba
hadii la isla doojiyo
dabiibkiisa heli kar a
haku digan lamaanaha
dareen ruuxa kuu xiga
darin kugula seexdoo
kuu diiiday lahashada

codkii Nasteexo indho