Heesta Dib ujaleec - Lyrics
Marka hore deeqoow
Nolasha dibadda taal
Adigaa ka deyrshee
Anna waxaan ku dari lahaa
Haddad dirirkii sokeeyiyo
Colaadaha ka durugtay
Oo aan dabiibney
Nabad baa noo da doo
Aan wada dekeynee
Kaalay deeqoow danbarkeesa nala maal
Meelaan diin islaamiyo
Lagu doorshay dhaqankii
Adigaa duljoogee
Dib u jalleec dalkaagee
Durdurada xareeddaa
Doogga udgoonkaa
Daawashada ku wacanoo
Baraf maleh dalkeennoo
Ubadka dayacanoo
Dowgaaga maqanoo
Xabsiyada dibaddoo dhan
Diiftu ay ku hayso
Walaaloow deeoow
Illowday dawgii
Meelaan diin islaamiyo
Lagu doorshay dhaqankeennii
Qof baa la daagaaleen
Adigaa duljoogee
Dib u jalleec dalkaagee