Heesta Jubbaland - Lyrics
juba land istaagtoo
udubadiina loo taag
arladana dadkeedii
u adkeeyay ilimadii
maamul uguba weeyoo
intifaac ka sugaynee
abshir iyo barwaaqaan
ALLE uga baryaynaa
umadyahay midooboo
isku tiirsanaadoo
jubaland adkeeyoo
ka ilaasha cadaawaaha
arladu waa barwaaqoo
anfacbaa ka buuxee
ILAAHAY na siiyee
aan wada mushaaxnee
jubaland iskeed nabad
ala maanta waa mahad
aan adeecno madaxdan
EEBE uu na siiyoo
noo ishaaray nabada
ililaha af madaw iyo
agagaarka dhoobley
kismaayana abaarnoo
ku aroornay gado wacan