buuralaydii sheekhiyo
bixin duulo iyo xeeb
oo beri samaadoo
xooluhu barqanayaan
sida loogu baahdaa
kalgacaylkii burururee
kugu badhaadhay daymada
barwaaaqaystay aragtida
bu,da wiilashaydaa
kuu buseela eegmada

baliyada xareediyo
togogaa burqanayee
ku butaacay kaymaha
boholyawga loo qabo
farxad lagu bogaadshad
la wadaagtay bilicdee
kugu badhaadhay daymada
barwaaaqaystay aragtida
bu,da wiilashaydaa
kuu buseela eegmada

waagaa baryaayee
sagal baal guduutiyo
falaadhaha la beegsaday
badhtamaha daruuraha
nuurkaa ku baahaa
ana ila baabtee
kugu badhaadhay daymada
barwaaaqaystay aragtida
bu,da wiilashaydaa
kuu buseela eegmada

afar iyo bishoo toban
habeenkoo u buuxsamay
oo dayixii baruud lihi
madawgii bariisaday
samadii ka biiyaad
bidhaantiisa leedee
kugu badhaadhay daymada
barwaaaqaystay aragtida
bu,da wiilashaydaa
kuu buseela eegmada

Exit mobile version