oori weeyaan wacanoo
iido weeyaan gabadhuye
aroos khayr qaboo wacan
eebe noo ajiibee
noo idhaahda aamiin
edebtiyo xishoodkiyo
asluubteeda wacanbaa
daahir u ishaartaye
afadiisa noqotaye
allow uga dhig tuu rabaye
anfacii burtinla iyo
allow yaa dhulkeenii
agagaarkii jalaniyo
oogadii nugaaleed
ubaxa uga soo gura
ayniyo ladega mudug
aynu idiin duceynee
labadii isku waaroo
ubad kheyr leh kala hela
eebe haka yeelee
arooskiina aamiin
allow tiiri aamiin
waalid aad uwacanoo
aad loo qadariyaa
ilaahay kabeeree
ehelkeed gob weeyaan
ninkii abid yaqaane
inyaroo dardaaran
aan idiin idhaahdee
aqalkaad tagleesheen
ololaha kalgacalkaa
ilimada adkeeyoo
ayaan laydin kala dilin

Exit mobile version