Xiisaha bogaygiyo
Baahida aan kuu qabo
Hadalada baroortaa
Siduu caashaq ii qoday
Aan kuu bilaaboo
Kuu bayaansho hadalkee
Kuu balaadhsho carabkee
Iga maqal dareemaha
Bilicdii horeetiyoo
Awal barashadeenii
Bilowgii kalgacalkoo
Deg deg iigu beertoo
Uga dhigay besteeyoo
Labaaxaa degaayaa
Bogtii jaceylkooo
Boga igaga taala
Habogsooto leeyahay
Weli baan gudaayaa
Marka aan baxnaanshee
Beryo aan ladnaadaba
Adaa damaqda hortoogyo
Bilowgiyo fartaba darey
Oo beydh go aygiyo
Basanbaaska caashaqa
Saacido adaa ibaday
wiil yahow adaa ibaday
inan yahow adaa ibaday
baaqiyo salaantii
Nabadiyo bariidadii
Adaa baajey samihii
Beeneeyay wacadkii
Boholyowga igu riday

Exit mobile version