VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xishood Dumar - Lyrics

Haduu caashaqa I helay Weliba howl yari u dagay Wadnaha hoostiisa iyo Halbowlaha dhiiga wadaa Oo aan uga tagey hurdadaa Habeenkii ma seexan karinee Hamigu waygu badan yahoo Ilmaan deris la ahay Midkaan midkaan midkaan midkaan u hibeeyayee Nafteyda dartiisa u hurey Hadalba kuma odhan karoo Xishood dumar bey la haray Haduu galkacayl I hodey Weliba hirtaanyo qabo Halista waa ii daran tahoo Haween nugulaan u ahay Oo uu hadimada jaceyl Harkiisa I qaadayoo Daruuruhu igu hogmeen Hilaacuna iga fog yahay midkaan midkaan midkaan midkaan uu hibeeyayee Nafyeyda dartiisa u hurey Hadalba kuma odhan karoo Xishood dumar bey haray.... Lyrics by Mumta Maxamed
Queue is empty
-- / --