dhaaxaan xanibayoo
caashaqa xayirayoo
meel adag isaga xidhay

xadka noo dhexeeyiyo
soo dhaaf xuduudii
una jabiyay xeerkii

waakan xawaariyo
xooga igu jiidhiyo
xumad igu shidaayiyo
ku xasilay naftaydee

xagee looga kacayaa
kaalayoo xushmeeya
xidhiidh ay wadaagaan
xadhigiisa furi kara
xujadiisa furi kara

xaasid ba'an yahay
oo xumaan inoo qabo
waxa noo xaqiiqa ah

cilmibuu xabaaliyo
ku xareeyay iiloo
hodan xilo u noqonine

wali ruux xaq dhawriyo
xanaaniyo wanaag iyo
xiiso uu u yeeshoo
ka xorooba lama arag

Exit mobile version